Mar 30(Jowhar)-Sida uu baahiyey Kanaalka 12-aad ee Israa’iil, xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa go’aansatay in aysan ka qeyb qaadan howlgal milatari oo dhinaca dhulka ah oo la sheegay in Mareykanku qorsheynayo. Howlgalkan ayaa lagu tilmaamay mid ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ku geli lahaayeen gudaha Iran, si ay u beegsadaan goobaha lagu kaydiyo maaddooyinka uranium-ka ee la kobciyey.
Wararku waxay sheegayaan in Israa’iil ay doorbideyso inay ka fogaato ku lug lahaanshaha tooska ah ee howlgal noocan ah, inkastoo ay weli taageero siyaasadeed iyo mid istiraatiiji ah siin karto Washington.
Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa mar kale ku celiyey hadallo uu horey u jeediyey oo ku saabsan suurtagalnimada isbeddel lagu sameeyo hoggaanka Iran. Trump ayaa sheegay in ay jiraan “dhacdooyin cusub” oo soo socda, kuwaas oo uu tilmaamay inay si weyn u beddeli karaan xaaladda guud ee Bariga Dhexe.










