May 10(Jowhar) Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo hadda ka mid ah xubnaha mucaaridka Soomaaliya ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya si badheedh ah u dishay dad bannaan baxyayey oo ku sugnaa degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Khayre waxa u xukuumadda uga digay in ay sii waddo ficilllada noocan oo kale ah isaga oo xusay in ay tahay mid aan sinaba loo aqbali karin.
Mucaaridka ayaan ilaa hadda samayn bannaan bixi ay ku baaqeen iyaga oo qaarkood ay sheegayaan in laga hor istaagay gaadhista goobtii muddahaaradka loo cayimay.










