Sunday, May 3, 2026
Home NEWS Lafta-gareen oo sheegay inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Koofur Galbeed

Lafta-gareen oo sheegay inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Koofur Galbeed

70

May 03(Jowhar) Hogaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Somali Stream ayaa sheegay inuu yahay M/weynaha sharciga ee maamulka Koonfur Galbeed.

Laftagareen ayaa sheegay in duullaankii millatari ee lagu qaaday Baydhabo uusan isaga ku socon balse lagu qaaday Jiritaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Wuxuu intaa ku daray in haatan dibad joog ka yahay Baydhabo hadana la dhibaateynayo shacabka Koonfur Galbeed.

Laftagareen ayaa sheegay inuu galayo halgan uu tilmaamay in lagu xoreynayo Koonfur Galbeed.

Ciidamo taabacsan hogaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Laftagareen ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed iyo gobolka Gedo iyadoo walaac laga qabo inay Koonfur Galbeed gasho marxalad dagaal.