Madaxweyne ku-xigeenkii hore Maraykanka Dick Cheney oo geeriyooday

0
1

Nov 04(Jowhar)-Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maraykanka Dick Cheney ayaa u geeriyooday cudurka oof-wareenka (pneumonia) iyo cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiiga isagoo 84 sano jir ah.
Cheney ayaa u soo noqday madaxweyne Gerald Ford, madaxii shaqaalaha aqalka cad 1970-meeyadii, ka hor inta aanu sannado badan ku qaadan aqalka wakiilada oo xubin baarlaman uu ka soo noqday.

Waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii Maraykanka ee ka dambeeyay qorshihii ay ciidamada Maraykanka ku galeen dalka Ciraaq 2003.

Waxa uu Cheney sheegay in nidaamka uu hoggaaminayay Sadaam Xuseen uu haystay hub halis ah oo wax baabi’in kara, hase yeeshee hub noocaas ah laguma helin howlgalka milatari ee dagaalkaas.

Cheney ayaa noqday markii dambe dhaliile adag oo ka tirsan xibsiga Jamhuuriga muddo xileedka Donald Trump.