Aug 23 (Jowhar)-Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth ayaa shaqada ka ceyriyay madaxii hay’adda sirdoonka ee Pentagon-ka Lt Gen Jeffery Kruse, toddobaadyo uun ka dib markii Aqalka Cad uu ka soo horjeestay warbixin qiimeyneysa saameynta duqeymaha Mareykanka.
Sidoo kale, Labo kale sarkaal oo taliyeyaal sare oo militari ah ayaa xilka laga qaadayk, hase yeeshee wax faahfaahin dheeraad ah lagama bixin xil ka qaadistan.
Bishii Juun, madaxweyne Donald Trump ayaa si adag uga soo horjeestay warbixin sir ah oo lagu sheegay in weerarada Iran ay dib u dhigeen barnaamijkeeda Nukliyeerka bilo.
Aqalka Cad ayaa ku tilmaamay qiimeynta hay’adda mid qaldan.
Trump ayaa ku dhawaaqay in goobihii Nukliyeerka ee Iran ay gebi ahaanba burbureen, wuxuuna ku eedeeyay warbaahinta isku day lagu doonayo in lagu dhimo mid ka mid ah weerarradii militari ee ugu guulaha badnaa taariikhda.
Waxaa la fahamsan yahay in Hegseth uu sidoo kale amray in xilka laga xayuubiyo taliyaha ciidamada badda ee Mareykanka iyo taliyaha taliska dagaalka gaarka ah ee badda, sida ilo aan la shaacin uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters Jimcihii.
Bishii Abriil, Trump wuxuu shaqada ka eryay General Timothy Haugh agaasimaha Hay’adda Amniga Qaranka, oo ay weheliyaan in ka badan toban shaqaale ah oo ka tirsan golaha amniga qaranka ee Aqalka Cad.
Hegseth ayaa sidoo kale eryay tiro saraakiil ciidan ah oo ka tirsan Pentagon-ka.
Bishii Febraayo, waxa uu shaqada ka eryay General CQ Brown oo Ciidanka Cirka ah, kaas oo shaqada laga eryay isaga iyo shan kale oo admiraal iyo jeneraalo ah.