Wednesday, May 13, 2026
Home NEWS Mucaaradka Muqdisho ku Shiraya oo Maanta Shaacinaya Goobaha Bannaanbaxyada

Mucaaradka Muqdisho ku Shiraya oo Maanta Shaacinaya Goobaha Bannaanbaxyada

270

May 09(Jowhar)-Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku shiraya magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay maanta si rasmi ah u shaaciyaan goobaha lagu qaban doono bannaanbaxyada la qorsheeyay maalinta berri ah.

Shirka mucaaradka ayaa ka socda Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore oo caan ah. Xubnaha kulanka ka qeybgalaya waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Dr. Koofi, Cabduqaadir Cosoble Cali, Cabdiraxmaan Dheere iyo xubno kale oo mucaaradka ka tirsan.

Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in diiradda lagu saarayo abaabulka bannaanbaxyada iyo sidii loo xaqiijin lahaa ammaankooda. Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale tilmaamaya in mucaaradku ay diyaariyeen ciidamo ilaalin doona ammaanka bannaanbaxyada inta ay socdaan.

Ilaa hadda dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin qorshahan bannaanbaxyada, balse xaaladda Muqdisho ayaa si weyn isha loogu hayaa iyadoo la filayo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo cusub saacadaha soo socda.