
Apr 24(Jowhar)- Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa laga helay cudurka kansarka gaar ahaan kan ku dhaca qanjirka,balse xaaladiisa caafimaad ayaa la sheegay inuu wanaagsan yahay.
Qoraal uu soo dhigay X , Netanyahu wuxuu ku sheegay in inta lagu guda jiro la socodka joogtada ah ee caafimaadkiisa ka dib qalliin lagu guuleystay oo kansarka qanjirka kaasoo bilow ahaa.
Daaweyntu “waxay meesha ka saartay dhibaatadii oo kama tagin wax raad ah”, ayuu raaciyay.
Netanyahu wuxuu sheegay inuu codsaday in dib loo dhigo daabacaadda rikoorkiisa caafimaad si aan loo sii dayn meeshii ugu sarreysay ee dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jireen Iran.
Hogaamiyaha Israel oo 76 jir ah ayaa sheegay in uu maray qaliinkii ugu horeeyay ee qanjirka ‘prostate’ oo wayn sanadkii 2024 uuna ku jiray kormeer caafimaad oo caadi ah. “Bar yar oo ka yar sentimitir” ayaa la helay intii lagu jiray hubintii ugu dambaysay.
Arrintan ayaa soo shaac baxday iyadoo Netanyahu lagu wado in toddobaadyada soo socda uu booqdo Aqalka Cad, xilli Mareykanku uu doonayo in heshiis nabadeed oo waara laga gaaro dagaalka Iran.
Heshiiska xabbad joojinta ee Israa’iil ay la gashay Lubnaan, ka dib dagaal u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah oo ay Iran taageerto, ayaa sidoo kale lagu kordhiyay saddex toddobaad.









