Xaaladda nabadgelyada ee caasimadda Muqdisho ayaa xalay oo Isniin ahayd, 25 Oktoobar, 2021, gashay weji cusub oo xasaasi ah, ka dib markii weeraro qorsheysan oo is-xigxigay ay ka dhaceen degmooyinka Wadajir iyo Waaberi, kuwaas oo bartilmaameedkoodu ahaa saraakiil iyo shaqaale ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dawladda Soomaaliya.







