Tuesday, April 14, 2026
Home NEWS Ruushka oo digniin kama danbeys ah siiyay Israel

Ruushka oo digniin kama danbeys ah siiyay Israel

344

Apr 14(Jowhar) Dowladda Russia ayaa si adag uga digtay Kayaanka Israa’iil kaddib duqeymo cirka ah oo ka dhacay agagaarka xarunta nukliyeerka ee Bushehr Iran, kuwaas oo la sheegay inay halis geliyeen badbaadada shaqaale Ruush ah oo ka hawlgala halkaas.

Ilo diblomaasiyadeed iyo warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegaya in weeraradan lagu beegsaday nidaamyada difaaca hawada ee ku dhow xarunta, balse ay gaareen meel aad ugu dhow reactor-ka, taas oo sare u qaadday walaaca ku saabsan khatar nukliyeer oo iman karta.

Kremlin-ka ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid “aan la aqbali karin,” isla markaana ay si toos ah u taabaneyso danaha Ruushka, maadaama khubaro iyo injineerro Ruush ah ay qayb ka yihiin howlgalka xarunta Bushehr.

Tallaabadan ayaa muujinaysa in dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iiraan uu hadda soo jiidanayo quwadaha waaweyn ee caalamka, Haddii Israa’iil ay sii waddo beegsiga xarumaha xasaasiga ah ee Iiraan, iyadoo iska indho-tiraysa joogitaanka Ruushka, waxay taasi sababi kartaa isku-dhac toos ah oo dhexmara Moscow iyo Tel Aviv, taas oo gabi ahaanba beddeli doonta khariidadda siyaasadeed iyo milateri ee Bariga Dhexe.