May 12(Jowhar)Shirkadda Fuelstor oo hoos timaada shirkadaha Salaam Group ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay dhismaha xarun weyn oo kaydinta shidaalka iyo badeecooyinka kala duwan ah oo laga hirgelinayo deegaanka Damerjog ee dalka Djibouti. Mashruucan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta kaabeyaasha tamarta iyo saadka gobolka Geeska Afrika.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo shirkado caalami ah, kuwaas oo sheegay in mashruucan uu sare u qaadayo isku xirka ganacsiga gobolka iyo xasilloonida sahayda tamarta ee Bariga Afrika.
Dhaqaalaha ku baxaya hir gelinta masharucaan ayaa gaaraysa ku dhowaad 160 milyan oo doollar, iyadoona taas ka turjumaysa qorshaha fog ee ay Salaam Group ku taageereyso maalgashiga kaabeyaasha muhiimka ah, si loo xoojiyo ganacsiga, koboca warshadaha iyo casriyeynta isku socodka badeecooyinka.
Xaruntan oo ku fadhin doonta dhul dhan 22 hektar ayaa loogu talagalay kaydinta, ganacsiga iyo dib-u-qaybinta shidaalka, gaaska LPG iyo saliidaha cuntada. Waxaa la filayaa inay qaadi karto ilaa 400,000 oo metric ton, taasoo ka dhigeysa Jabuuti xarun muhiim ah oo isku xirta suuqyada gobolka iyo kuwa caalamka.
Masuuliyiinta mashruuca ayaa sheegay in Fuelstor aysan noqon doonin oo keliya goob kaydin, balse ay noqon doonto xarun casri ah oo isku xirta adeegyada saadka iyo ganacsiga, si loo daboolo baahida sii kordheysa ee gobolka iyo isbeddellada ku yimaada suuqyada caalamka.
Mashruucan ayaa sidoo kale la filayaa inuu fududeeyo isku socodka shidaalka iyo badeecooyinka muhiimka ah ee loo gudbinayo dalka Ethiopia iyo dalalka kale ee gobolka.
Masuul ka tirsan shirkadda Fuelstor ayaa sheegay in mashruucani uu yahay tallaabo weyn oo horumarineed, islamarkaana uu Djibouti ka dhigayo marin muhiim u ah isku xirka suuqyada caalamka iyo baahida sii kordheysa ee Bariga Afrika.










