Wednesday, May 13, 2026
Home NEWS Sheekh Shariif oo iclaamiyay in banaanbixii weynaa uu ka dhacayo garoonka Koonis

Sheekh Shariif oo iclaamiyay in banaanbixii weynaa uu ka dhacayo garoonka Koonis

247

May 10(Jowhar) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay gurigiisa deegaanka Mirinaayo ee degmada Boondheere ku shaaciyey in bannaanbaxii mucaaradka uu ka dhici doono garoonka Koonis ee degmada Cabdicasiis, saacadda 11:00-ka duhurnimo ee maanta.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in bannaanbaxu yahay mid nabadeed, islamarkaana lagu muujinayo aragtida mucaaradka ee ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Go’aankan ayaa yimid kadib dadaallo ay wadeen siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda beelaha Mudulood oo lagu doonayey in xal looga gaaro xiisadda u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa cadaadis siyaasadeed oo la xiriira qabanqaabada bannaanbaxa mucaaradka, kaas oo ay hormuud u yihiin siyaasiyiin horey xilal sare uga soo qabtay dalka, gaar ahaan kuwa saameynta ku leh siyaasadda Muqdisho iyo beelaha Hawiye.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo la filayo in ciidamada ammaanka ay heegan sare galaan inta uu socdo bannaanbaxa.