Monday, April 20, 2026
Home NEWS Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Odayaasha Hawiye oo shir xasaasi ah uga socdo guriga...

Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Odayaasha Hawiye oo shir xasaasi ah uga socdo guriga Sheekh Shariif

85

Apr 20(Jowhar) Shir ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka ee beesha Hawiye ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shirkan oo la filayo inuu socdo illaa maalinta Jimcaha ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno miisaan culus ku leh siyaasadda dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe), Cabdiraxmaan Ceynte iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale, waxaa shirka si weyn uga muuqda odayaasha dhaqanka ee ugu saameynta badan beesha Hawiye, kuwaas oo door muhiim ah ku leh talooyinka iyo go’aamada la xiriira jihada siyaasadeed ee dalka.

kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan waxa laga yeelayo marka la gaaro 15-ka May oo ku eg muddada sharciga ah ee xil haynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan ayaa imanaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo la xiriirta mustaqbalka hoggaanka dalka iyo hannaanka doorashooyinka, iyadoo la filayo in laga soo saaro qodobo iyo go’aamo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.