Apr 24(Jowhar)- Ergeyga gaarka ah Steve Witkoff iyo wiilka uu Trump soddogga u yahay ee Jared Kushner ayaa u safri doona Pakistan si ay wadahadal ula yeeshaan wasiirka arrimaha dibadda Iran, sida uu Aqalka Cad xaqiijiyay.
Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa Fox News u sheegtay in ergayga Mareykanka Steve Witkoff iyo Jared Kushner ay u dhoofi doonaan Pakistan Sabtida waxa ay ugu yeertay wadahadal toos ah oo Pakistan ay dhexdhexaadineyso.
“Iraniyiintu waxay gaareen, sida uu madaxwaynuhu ugu baaqay inay sameeyaan, waxayna waydiisteen wada hadalkan qof ahaaneed,” ayay tiri. Waxay sheegtay inay dib ugu warbixin doonaan madaxweynaha iyo ku xigeenka iyo kooxda kale ee maamulka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi ayaa la filayaa in gaaro Islamabad si uu ugala hadlo soo jeedinta dib u bilaabista wadahadalada nabada ee Maraykanka.
Wadadahadalada Maraykanka iyo Iran oo ay dhexdhexaadinaysay Pakistan ayaa hakad ku yimid kadib markii dowlada Iran ay diiday inay ka qeygasho wadahadaladaas inta xayiraada uu ku hayo Maraykanka dekedaha Iran.
Lama oga xilliga ay kulmi doonaan ergada ka socota Maraykanka iyo Iran balse waxaa ka socda diyaargarow magaalada Islamabad ee dalka Pakistan.










