Apr 21(Jowhar)Donald Trump ayaa sheegay inaysan jiri doonin muddo kordhin lagu sameeyo heshiiska xabad joojinta ah ee u dhexeya Maraykanka iyo Iran xilli ay dhowdahay waqtiga xabad joojinta oo ahayd labo toddobaad.
Trump oo wareysi siiyay CNBC ayaa sheegay in ciidamadiisu ay diyaar u yihiin inay bilaabaan duqeynta. “Waxaan filayaa inaan duqeynta bilaabayno sababtoo ah waxaan u maleynayaa inay taasi tahay dabeecad wanaagsan oo la galo Iran,”
Markii la weydiiyay inuu kordhin doono xabbad joojinta, wuxuu ku jawaabay: “Ma doonayo inaan taas sameeyo, ma haysanno waqti intaas le’eg.”
Waxa uu intaa ku daray in Maraykanku uu ku jiro xaalad gorgortan adag oo ugu dambeyntii uu ilaalin doono waxa uu ugu yeeray heshiis weyn.
Hadalada ayaa barbar socday qoraal Xaqiiqda Bulshada ah kaas oo Trump uu ku eedeeyay Tehran inay ku xad gudubtay xabbad joojinta marar badan.
Trump wuxuu tilmaamay in wareeg cusub oo gorgortan ah uu weli miiska saaran yahay, iyadoo JD Vance iyo afhayeenka baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, la filayo inay yimaadaan Islamabad wareegga labaad ee wadahadalka Talaadada.
Si kasta ha ahaatee,Pakistan weli ma aysan helin jawaab rasmi ah oo xaqiijinaysa in Iran ay ka qeyb galeyso wada-hadallada nabadda ee la filayo inay ka dhici doonto Islamabad.










