May 31(Jowhar) Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa wada hadallo la yeeshay wakiillo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, iyagoo diiradda saaray xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay muranka ka taagan muddo xileedka hoggaanka dalka.
Xogaha la helayo ayaa muujinaysa in Turkigu labada dhinacba u caddeeyay in uusan la safnayn shaqsi ama koox gaar ah, balse uu doonayo in uu la shaqeeyo hay’adaha rasmiga ah ee dalka iyo nidaamka jira. Sidoo kale, Ankara ayaa muujisay walaac ay ka qabto hadallo ka soo yeeray qaar ka mid ah mucaaradka oo lagu dhaliilay doorka Turkiga ee Soomaaliya.
Dhinaca kale, Turkiga ayaa wakiillada mucaaradka u sheegay in Soomaaliya ay wajahdo xaalad amni iyo mid dhuleed oo xasaasi ah, isla markaana ay jiraan faragelin dibadeed oo ka socda gobolka Geeska Africa, taasoo muhiim ka dhigaysa in laga fogaado khilaaf gudaha ah oo sii xumeeya xaaladda dalka.
Turkiga ayaa sidoo kale xiisaynaya in wada hadalo ay u socdaan qaab hoose maadaama ay ku lug leeyihiin saraakiil Sirdoon.










