Monday, June 1, 2026
Home NEWS Wararkii u danbeeyay doorashada xasaasiga ah ee saaka ka dhaceysa dalka Itoobiya...

Wararkii u danbeeyay doorashada xasaasiga ah ee saaka ka dhaceysa dalka Itoobiya iyo rajada Abiye

0

Jun 01(Jowhar) ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐„๐ญ๐ก๐ข๐จ๐ฉ๐ข๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฅ๐จ๐จ ๐๐š๐ซ๐ž๐ž๐ซ๐š๐ฒ ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š๐š๐ฌ ๐จ๐จ ๐š๐ก ๐ญ๐ข๐ข ๐Ÿ•๐š๐š๐, ๐Ÿ“๐ŸŽ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก ๐Ÿ๐Ÿ‘๐ŸŽ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง ๐„๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š๐š๐ฌ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฑ๐š๐ช ๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ก ๐ข๐ง๐š๐ฒ ๐œ๐จ๐๐ž๐ž๐ฒ๐š๐š๐ง.

547 kursi ayey xisbiyada dalkaas ku tartamayaan Waxaana talada dalkaas hogaamin doona xisbiga hela 274 Kursi.

Xisbiga Talada haya ayaa la filayaa inay doorashadaas ku guuleystaan, taasoo ka dhigan in Raysulwasaaraha Dalkaas Aby Ahmed markale dib loo dooran doono.

Sida gudiga Doorashada Dalka Ethiopia uu xaqiijiyey qeybo kamid ah doorashadaasi kama qabsoomi doonta gaar ahaan Dhulka Tigreegu Ee ay TPLF ku xoogantahay Iyo meelo ka mid ah Gobalka Amaxaaradu degto.

Doorashadan Waxaa Goob joog ka ah Ergo ka kala socotan Ururka Midowga Afrika, Dalalaka Ruushka, Turkiga Iyo kuwa kale , halka Ururo kale oo caalami ah ay ka baaqsadeen.

Xisbiyada Mucaaradku waxay ku edeeyeen dowladda inay xisbiyada qaar ka saartay tartanka, taaso ka dhigan inay awoodda Isku koobtay.