May 19(Jowhar) Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , oo uu wehliyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Danjire Abdinur Dahir Fidow ayaa kulan-doceed muhiim ah oo ka tirsan Shirka Madasha Caalamiga ah ee Magaalooyinka Adduunka, kana socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, la yeeshay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Dalalka Khaliijka Carabta (GCC), Mudane Jaasim Maxamed Al-Budaywi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda dhinacyada horumarinta magaalooyinka, kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska, iyo horumarka waara, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay fursadaha iskaashi ee u horseedi kara Soomaaliya horumar muuqda.
Kulankan oo muhiimad gaar ah u lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo natiijooyin wax ku ool ah oo kor u qaadaya xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.











