
Apr 20(Jowhar)Madaxweyne Donald Trump ayaa beeniyay in Israa’iil ku qalqaalisay amaba ku riixday dagaalka Iran, iyadoo madaxweynaha Mareykanka uu wajahayo dhaleeceyn sii kordheysa oo ku aaddan dagaalka, oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah maamulkiisa.
“Israa’iil waligeed igalama hadlin dagaalka Iran, natiijadii Oktoobar 7-deedii, waxay ku dartay fikradda noloshayda oo dhan in IRAN aysan waligeed yeelan karin hub Nukliyeer ah,” ayuu Trump ku qoray bartiisa bulshada Isniintii.
Balse ma jiro caddaymo dadweyne oo Iran si toos ah ula xiriirinaya weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7, 2023 ka dhanka ahaa Israa’iil.
Taliyaha sirdoonka ee Trump Tulsi Gabbard ayaa sidoo kale bishii March u sheegay Congress-ka in Iran aysan dhisayn hub nukliyeer ah.Siddeed bilood ka hor dagaalka, Trump waxa uu si isdaba joog ah u sheegayay in June 2025-kii uu Maraykanku duqaymo ka geystay xarumaha Iran ay baabi’iyeen barnaamijkii Nukliyeerka ee dalka Iran.
Qaar badan oo ka mid ah dadka dhaleeceeya Trump ayaa ku doodaya in Iran aysan khatar ku ahayn Mareykanka, iyo in dagaalku uu horumariyo danaha Israa’iil oo kaliya oo uu wax u dhimayo badbaadada Mareykanka.
Iran ayaa ka jawaabtay weeraradii wadajirka ahaa ee Mareykanka iyo Israa’iil – ee lagu dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee dalkaas Ali Khamenei, saraakiil kale oo sarsare iyo boqolaal rayid ah 28-kii Febraayo – iyada oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, taasoo keentay in qiimaha saliidda uu sare u kaco. Maraykanka, kharashka tamarta ayaa cirka isku shareeray, taasoo sii hurinaysa sicir-bararka.
Ra’yi ururin dhowaan ay samaysay NBC News ayaa soo jeedisay in saddex-meelood laba meel dadka Maraykanka ahi ay diidan yihiin sida uu Trump u maareeyay dagaalka.
Iyada oo ku qanacsanaan la’aantu ay sii kordheyso, qaar badan oo ka mid ah dhaleeceynta madaxweynaha ayaa tilmaamay in Israel ay tahay awoodda dhabta ah ee ka dambeysa dagaalka – iyaga oo Trump u muujinaya hoggaamiye daciif ah oo raacaya Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.
Intii lagu jiray ololihii 2024, Trump wuxuu isu soo bandhigay inuu yahay musharaxa nabada, isagoo ballanqaaday inuu joojinayo dagaalladii ka bilowday maamulka Biden.
Laakiin Netanyahu, oo Trump ku booqday Maraykanka lix jeer hal sano gudaheed, ayaa sii waday inuu riixo mawqif adag oo ka dhan ah Iran. Taageerayaasha ugu codka badan ee dagaalka Washington ayaa sidoo kale ahaa xulafada ugu dhow ee Israel.
Si kasta ha ahaatee, xiisadda ayaa hadda qabowday, waxaana laga yaabaa in toddobaadkan uu Pakistan ka dhaco wadahadallo kale oo u dhaxeeya saraakiisha Mareykanka iyo Iran. Laakin labada dhinac ayaa ku hanjabay in ay dib u soo cusboonaan doonaan dagaalka hadii aan heshiis laga gaarin.









