Monday, April 20, 2026
Home NEWS Xildhibaanada ku jira golaha wasiirada oo lagu amray inay hal xil ka...

Xildhibaanada ku jira golaha wasiirada oo lagu amray inay hal xil ka tanaasulaan

50

Apr 20(Jowhar) Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD) Avv. Burhaan Aadan Cumar, asagoo tixraacaya waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiga ee ku xusan Cutubka 15aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2026), wuxuu la wadaagayaa hay’adaha dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed arrimaha soo socda:

(1) Tallaabo maamul kasta, magacaabis kasta iyo dhaar kasta oo ay fulinayso hay’ad dawladeed waa in loo raacaa axkaamta ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Tallaabo ama arrin kasta oo ka soo horjeeda Dastuurka waxa ay noqonaysaa waxba kama jiraan, waxaana waajib dastuuri ah nogonaysa in la saxo oo laga dhigo mid sharci ah.

(2) Xubnaha Golaha Wasiirrada ee ka midka ah labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ama Goleyaasha Wakiillada Dawlad Goboleedyada waa in ay banneeyaan xilka muddada ku xusan Qodobka 191aad, Faqradda 2-aad si waafaqsan Qodobka 8l-aad, Faqradda laad, xarafka (f iyo Qodobka
117aad, Fagradda 3aad, xarafka (a) ee Dastuurka. Sidoo kale, xilkii danbe oo la magacaabayo waa in loo raacaa habraaca ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(3) Guddigu wuxuu soo saarayaa khariidad cad oo la xiriiirta kalaguurka iyo dhagangelinta Dastuurka, wuxuu sidoo kale soo saari doona gorshaha wacyigelinta Dastuurka.

(4) Guddigu wuxuu ku dadaalayaa in muwaaaddin kasta uu helo nuqul ka mid ah Dastuuurka sida ugu sahlanna lagu gaarsiiyo dhammaan muwaadiniinta.