Apr 28(Jowhar) Afghanistaan ayaa si rasmi ah u billowday hawlaha qodista Shidaalka 5 ceel oo cusub, kuwaas oo ku yaalla deegaanka Zumurd Say ee dooxada Amu Darya ee waqooyiga Afghanistaan.
Sida la filayo, ceelashan cusub ayaa awood u yeelan doona inay maalin kasta soo saaraan ilaa 500 mitir kuyuub oo saliid ceyriin ah, taas oo ka dhigan faa`iido weyn oo ay Kabul heshay.
5 sano oo ay Kabul kujirto gacanta kooxda Daalibaan waxaa muuqata in ay aadeen jidka isku tashiga, iyadoo ay saaran yihiin cunaqabateyno dhaqaalaha ilaa nooc kasta ah, laakiin taas kama weecin horumarada bulshada.










