Monday, June 1, 2026
Home NEWS Beesha Caalamka oo walaac xooggan ka muujisay xaaladda cakiran ee Soomaaliya

Beesha Caalamka oo walaac xooggan ka muujisay xaaladda cakiran ee Soomaaliya

11

Jun 01(Jowhar) Beesha Caalamka, ayaa warsaxaafadeed wadajir ah waxay walaac ka muujinayaan xaaladda hadda ka taagan Soomaaliya, dalbay wada hadal deg deg ah, geedi socod Doorasho loo dhan yahay, hanaankana laga heshiiyo iyo Is afgarad waqtigan xasaasiga ah.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay dib u bilaabaan wadahadalka sida ugu dhakhsaha badan, si degdeg ahna u gaaraan isafgarad ku saabsan hannaanka doorashada (roadmap), iyadoo loo eegayo danta dadka Soomaaliyeed. Beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wadahaddalada ay Soomaalidu hogaaminayso, haddii la weydiisto” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wakiilada calaamiga ah ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya kujirto waqti xasaasi ah, ayna tahay in danta dalka al eego, lana helo Roadmap ama geedi socod doorasho Heshiis lagu yahay.

“Xilligan xasaasiga ah, waxaan ku dhiirrigelineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danta qaranka, ayna ka fogaadaan ficil kasta oo keeni kara in ay sii korodho xiisaddu”