Apr 22(Jowhar)-Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa rasaas ku furay markab konteenar ah oo marayay marin biyoodka Hormuz, sida laga soo xigtay Xarunta Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO).
UKMTO, oo ay hoggaaminayaan Ciidanka Badda ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa sheegay in dhacdadu ay ka dhacday meel 15 mayl waqooyi-bari ka xigta Cumaan.
Warbixintu waxay sheegtay in dooni ay leeyihiin IRGC ah ay u soo dhawaatay markabka iyadoo aanan la siin wax diginiin ah
Intaas ka dib doontii ayaa rasaas looga furay markabka, taasoo waxyeello weyn u geysatay xarunta laga kantaroolo markabka.
Wakaaladaha wararka ee Iiraan ayaa sheegay in markabku uu iska indho tiraydigniinaha uga imanaya militariga Iiraan.
Khasaaraha weli lama soo werin iyo cidda eh markabka.
Dhinaca kale, Ururka badaha UK ee (UKMTO) (UKMTO) ayaa ku warameysa in markab labaad lagu rasaaseeyay marin biyoodka Hormuz.
UKMTO ayaa sheegtay in markab xamuul ah oo dibadda u soo baxay uu sheegay in lagu rasaaseeyay meel siddeed mayl u jirta galbeedka Iiraan hatanna lagu joojiyay biyaha.
Waxay sheegtay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shaqaalihii saarnaana markabka.
Sidoo kale.Markab xamuul oo saddexaad ah ayaa lagu weeraray marinka Hormuz xili uu isku dayayay inuu maro marin biyoodka Hormuz, sida ay sheegtay shirkadda amniga badda ee Vanguard.
Markabkan, oo ku uu ka babanayay calanka Panama oo lagu magacaabo MSC Francesca, ayaa lagu bartilmaameedsaday qiyaastii lix mayl oo badda ah meel u dhow xeebta Iiraan xilli uu ku sii jeeday koonfurta marin biyoodka una socday Gacanka Cumaan.
Markabka ayaa la sheegay in la siiyay diginin inta aan la weerarin.










