Thursday, April 23, 2026
Home NEWS Ha’yadda CIG oo warbixin ka soo saartay xiriirka Imaaraadka iyo Kooxda RSF

Ha’yadda CIG oo warbixin ka soo saartay xiriirka Imaaraadka iyo Kooxda RSF

40

Apr 22(Jowhar)- Koox calooshood u shaqeystayaal Colombian ah oo ay taageerto Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa taageero muhiim ah siisay ciidamada militariga ee degdegga ah ee Sudan (RSF) oo awood u siinaya inay qabsadaan magaalada El-Fasher ee galbeedka ku taal sannadkii hore.

Baaritaanka, oo ay sameysay hay’adda falanqeynta amniga ee kooxda isku dhafka ah ee loo yaqaan ‘Conflict Insights Group’ (CIG), ayaa adeegsatay xog laga helay dabagalka taleefannada gacanta dagaalyahannada Colombia.

Imaaraatka Carabta ayaa in muddo ahba diidayay in ay taageeraan jabhadda RSF oo muddo saddex sano ah dagaal kula jirtay ciidamada caadiga ah ee Suudaan.

Dhacdadii El-Fasher waxay ahayd mid ka mid ah  dagaaladii ugu arxan-darnaa ee colaadda, taas oo horseeday masiibadii bini’aadantinimo ee ugu xumayd adduunka oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, malaayiin kalena lagu khasbay guryahoodii inay ka barakacaan.

“CIG waxa ay si dhaw ula socotay cadaymo muujinaya in imaaraatka Carabta uu kaalmo badan siiyay RSF, balse tani waa cilmi baaristii ugu horeysay ee aan ku cadeyn karno ku lug lahaanshaha Imaaraadka si dhab ah”, ayuu yiri agaasime Justin Lynch. “Waxaan dadweynaha u soo bandhigeynaa  inuu jiro xiriir toos ah oo ka dhexeeya Abu Dhabi iyo RSF”ayaa lagu yiri warbixinta.I

maaraatka Carabta ayaa horay u soo saaray bayaan ay ku diidan yihiin waxa ay ugu yeereen eedeymo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ah in ay taageeraan RSF isla markaana ay cambaareynayaan si adag xasuuqii El-Fasher.

Warbixintu waxa ay sheegtay in xogteeda ay faahfaahinayso  sawiro tusinaysa calooshood u shaqeystayaal jooga goobo kala duwan oo laga soo abaabulo gobolka, oo ay ugu muhiimsan tahay xarun tababar milatari oo Imaaraadku ku leeyahay Ghayathi ee Abu Dhabi.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay inay calooshood u shaqeystayaasha Colombiya ay isticmaaleen garoonka diyaaradaha Boosaaso ee dalka Soomaaliya.

Sida warbixinta lagu sheegay, calooshood u shaqeystayaasha ayaa ka tirsanaa guutada Desert Wolves, iyagoo u adeegi jiray duuliyayaal, madaafiic iyo macalimiin.

Guutada waxaa hogaaminaya Colonel Alvaro Quijano oo shaqada ka fadhiistay ee Colombia, sida laga soo xigtay shabakada wararka ee Colombia ee La Silla Vacía. Waxa uu fadhigiisu yahay Imaaraadka, waxaana cunaqabatayn ku soo rogay dowladaha Mareykanka iyo UK, ka dib markii uu qorayay dad Colombian ah oo ka dagaallama Suudaan.

The Desert Wolves ayaa waxaa   shaqaaleysiiyay shirkad fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta oo xiriir la leh saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka, sida laga soo xigtay La Silla Vacía iyo dukumentiyo ay heshay CIG,

CIG waxa kale oo ay sheegtay in ay ogaatay aalado ku qoran luqadda Isbaanishka oo yaalla deked ku taalla Soomaaliya oo xiriir la leh Imaaraadka Carabta, iyo magaalo ku taal koonfurta bari ee Liibiya oo la rumeysan yahay in ay tahay xudunta saadka ee hubka loo diro RSF, oo la sheegay in ay fududeysay Imaaraadka.

Tirada dagaalyahannada Colombia ee ku sugan Suudaan ayaa hore lagu qiyaasay boqollaal.

Mareykanka ayaa laba jeer cunaqabateyn ku soo rogay muwaadiniinta Colombia iyo shirkado xiriir la leh qorista calooshood u shaqeystayaasha si ay uga dagaalamaan Suudaan, bishii Disembar iyo mar kale todobaadkii hore.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalyahannada Colombia ay taageereen qabsashada RSF ee El-Fasher balse ay joojiyeen in ay xiriir toos ah la sameeyaan Imaaraadka.