May 30(Jowhar) Ciidanka taabacsan Laftagareen ayaa galay gudaha magaalada Baydhabo, gaar ahaana agagaarka loo yaqaano afar Irdoodka, halkaas oo ah xudunta magaalada, ayna ku dhow yihiin xarumaha amniga ilaa wasaaradaha, iyadoo halkaas iska caabin xoogan ka dhacday, warar hordhac ah ayaa xaqiijinaya in dad kale duwan ay dhinteen.
Ciidanka magaalada galay ayaa labo dhinac isku jiray koox horey gudaha ugu diyaarsanaa iyo ciidan aroornimadii hore banaan kasoo galay, kuwaas oo jiiray meelihii ay daganayeen ciidamada DFS ay geysay magaaladan markii ay qabsanaysay.
Ciidamadan ayaa gaaray qalbiga magaaladan, waxaana saaka aroornimada hore lafilayay in la dhaariyo xildhibaanadii kusoo baxay doorashadii ay DFS ka qabatay magaaladan, taas oo aan wali lagu guuleysan.
Afhayeenka ciidanka taabacsan Laftagareen ayaa ku dhawaaqay in ay magaalada qabsadeen, hayeeshee dhinaca kale maamulka KMG ah ayaa beeninaya, wararkooda ayaan iskau dhex bilqan.
Muuqaalo labaahiyey ayaa muujiyey ciidamada Laftagareen oo gudaha magaalada kusugan.










