May 04(Jowhar)Golaha Mustaqbalka ee Soomaaliya ayaa maanta ka go’aan ka gaaraya 2 qodob oo aad looga sugayo, kuwas oo kala ah Jawaabta laga bixinayo Martiqaadkii MW Xassan Sheikh ee 10-ka bisha May oo ay 6 maalmood naga xigto & Kaarkooda doorasho ee ay dul-dhigayaan tan madaxtooyada ee ah qof iyo cod aan heshiis siyaasadeed haysan.
Aqbalka gogosha madaxweyne Xassan Sheikh ayaa lagu xiri doonaa sadex sharuudood oo ay kamid yihiin.
1- In dhammaan dowladdu joojiso dhaqdhaqaaqyada kusaabsan Doorashooyinka ee isla maalintaas ay ka fulinayso dowlad gobaleedyada.
2- In Lahelo cid dhexe oo lagu kalsoonaan karro, maadaama horey ay burburtay isku niyadsamida dhinacyada u dhaxeysa, dowladdana waqtigeedu uu dhamaaday yahay.
3- & In ay Madaxtooyadu ka laabato si cadna u sheegto in xeerarka doorashooyinka, nooca ilaa dhismaha guddiyada ay hakinayso oo ay ka ogoshahay in laga wada hadlo.
Sadexda sharuudood ayaa muujinaya kala fogaanta dhinacyada.










