Tuesday, April 28, 2026
Home NEWS Imaaraadka Carabta oo sheegay inuu ka baxay ururka OPEC

Imaaraadka Carabta oo sheegay inuu ka baxay ururka OPEC

101

Apr 28(Jowhar) Imaaraatka Carabta ayaa isaga baxay ururka ay ku bahoobeen dalalka dhoofiya saliida ee OPEC, taasoo dhabar jab xooggan ku noqotay kooxda iyo hogaamiyaha dhabta ah ee Sacuudiga, iyadoo ay jirto walaaca tamarta adduunka ee uu sababay dagaalka Iran.
Dowlada Imaaraadka ayaa sheegtay in go’aankan uu dhaqan gelayo laga bilaabo Jimcaha soo socda ayna tahay tallaabo ka tarjumeysa aragtida dhaqaale ee Imaaraatka Carabta iyo kobcinta muuqaalka tamarta.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli qaar ka mid ah dalalka ku jira ururkan ay saameyn ku yeelatay dagaalka Iran iyo Maraykanka.

Wasaaradda tamarta ee Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay in caqabadaha marin-biyoodka ay ka dhigan tahay in go’aanka ka bixitaanka uusan saameyn weyn ku yeelan doonin suuqa. Imaaraadku waxa uu ururka OPEC ku biiray sanadkii 1967-kii.

Si kastaba ha ahaatee, ka bixitaanka Imaaraatka Carabta ee OPEC ayaa ka dhigan guul weyn oo uu gaaray Donald Trump, kaas oo ku eedeeyay ururka inuu sicir barar ku sameeyay qiimaha saliidda.
Qiimaha saliida ceyriin ee Brent ayaa gaaray ilaa $119.50 foosto tan iyo markii uu dagaalka ka qarxay Iran. Talaadadii, waxay kor u kacday 3.4% ilaa $111.67.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Imaaraatka, oo ah xarun ganacsi oo gobolka ah, isla markaana ah mid ka mid ah xulafada ugu muhiimsan ee Washington, ay ku dhaleecaysay waddamada Carabta ee ay walaalaha yihiin inaysan samayn wax ku filan oo ay kaga ilaalinayaan weerarro badan oo Iran ah intii lagu jiray iskahorimaadka Bariga Dhexe.

Anwar Gargash, oo ah la-taliyaha diblomaasiyadda ee madaxweynaha Imaaraadka, ayaa dhaleeceeyay jawaabta Carabta iyo Khaliijka ee weerarrada Iran, fadhi uu ku yeeshay golaha saamaynta Khaliijka Isniintii.
Wasiirka Tamarta Imaaraadka Suhail Mohamed al-Mazrouei ayaa sheegay in go’aanka la qaatay ka dib markii si taxadar leh loo eegay xeeladaha tamarta gobolka. Mar wax laga weydiiyay in Imaaraadka uu kala tashaday OPEC-da Sacuudiga ee miisaanka culus leh, waxa uu sheegay in Imaaraadku uusan arrinka la soo hadal qaadin dal kale.