Friday, April 17, 2026
Home NEWS Iran oo furtay Marinka Hormuz iyo qiimaha shidaalka oo hoos u dhacay

Iran oo furtay Marinka Hormuz iyo qiimaha shidaalka oo hoos u dhacay

62

Apr 17(Jowhar) Wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Araqchi Araghchi ayaa sheegay in Iran ay si buuxda dib u furi doonto marin biyoodka Hormuz inta ka hartay wakhtiga xabad joojinta.
Qoraal uu soo dhigay barta baraha bulshada ayuu ku sheegay in heshihiska xabad joojinta Lubnaan uu ka mid ahaa in maraakiibta ganacsi ee marin biyoodka Hormuz si buuxda loo fasaxo inta ka harsan muddada xabbad-joojinta.

“Marinkan waxaa lagu mari doonaa iyada oo la raacayo qaab ay isku dubbariday oo horay u shaacisay Hay’adda Dekedaha iyo Maraakiibta ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”ayuu sii raaciyay Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran.

Dhinaca kale, qiimaha Shidaalka cayriin ayaa si weyn hoos ugu dhacay, kadib markii Iran ay ku dhawaaqday in dib loo furay Marinka Hormuz, qiimaha foosto saliidda Brent crude ayaa hoos uga dhacay $90, isagoo hore uga badnaa $98 isla maalintaas.

Ka hor khilaafka, Shidaalka nooca Brent wuxuu wax yar ka hooseeyay $70 foostadii. Wuxuu kor u dhaafay $100 horraantii bisha Maarso, wuxuuna gaaray heerkii ugu sarreeyay ee ka badan $119 dabayaaqadii isla bishaas.