Jun 04(Jowhar) Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay ka xun tahay isla markaana cambaareyneyso weerar lagu qaaday hoyga ay Muqdisho ka deggen yihiin madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Caki Khayre.
Puntland waxay sheegtay in weeraradaasj ay dhaawacayaan xasilloonida siyaasadeed iyo kalsoonida hay’adaha dowladda, iyadoo mas’uuliyadda wixii ka dhasha dusha u saartay madaxda Dowladda Federaalka.
Puntland waxay ku baaqday in la joojiyo tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadaha siyaasadeed, si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya











