Saturday, May 2, 2026
Home NEWS Markab marayay xeebaha Yemen oo loo soo afduubtay xeebaha Soomaaliya

Markab marayay xeebaha Yemen oo loo soo afduubtay xeebaha Soomaaliya

55

May 02(Jowhar) Markab marayay xeebaha dalka Yemen ayaa dabley hubeysan ay afduubteen iyagoo la soo aaday xeebaha dalka Soomaaliya.
Ilaalada xeebaha dalka Yemen ayaa sheegay in ay isku dayayaan in ay soo badbaadiyaan markab shidaal oo laga afduubtay xeebaha oo hadda ku soo wajahan Soomaaliya.

Hase yeeshee lama oga in dableyda afduubatay markabka ay yihiin burcad badeed Soomaali ah ama burcad badeed u dhashay dalka Yemen.

Markabka “M/T Eureka” ayaa lagu qabtay gobolka Shabwa ee koonfur-bari Yemen iyadoo rag hubeysan ay fuuleen oo la wareegeen markabka, sida ay ilaalada xeebaha ku sheegeen hadal ay soo saareen maanta.

Weerarkan ayaa ah kii afaraad oo ka dhaca meel ku dhow Soomaaliya toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo dhaq dhaqaaqyada burcad badeeda ay sare u kaceen.

Saraakiisha ayaa sheegay in burcad badeeda ay aad u dhiiradeen kadib markii ciidamada badda ee gaaf wareegaya aagga badda cas ay ku mashquuleen go’doominta marinka Hormuz.

Ilaalada xeebuhu waxay sheegeen inay la shaqaynayeen hay’adaha caalamiga ah iyo hay’adaha ay khusayso ee gacanka cadmeed sidii loo soo celin lahaa markabka iyo sidii loo sugi lahaa badqabka shaqaalaha markabka oo aan la garanayn halka ay ku dambayn doonto.

Waxay ka digtay, si kastaba ha ahaatee, in awoodeeda ay xadidan tahay xaalada dhaqaale ee Yemen awgeed.
Afduubyada maraakiibta ee xeebaha Soomaaliya ayaa noqday kuwa soo noqnoqda tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay billaabeen dagaalka ka dhanka ah Iran bishii February.

Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa sare u qaaday khatarta burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya, waxayna uga digtay maraakiibta inay si taxaddar leh ugu gudbaan.
Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee gaaf wareegaya gobolka ayaa sheegay in dagaalka Iran uu kooxaha burcad badeeda siiyay fursad .

Markab siday ilaa 18,000 oo foosto oo saliid ah ayaa lagu af-duubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya 21-kii Abriil. Shantii maalmood ee xigtay, laba markab oo kale ayaa la qabsaday.