Friday, April 17, 2026
Home NEWS Mucaaradka kasoo jeeda Muqdisho oo caawa kulan xasaasi ah ku leh guriga...

Mucaaradka kasoo jeeda Muqdisho oo caawa kulan xasaasi ah ku leh guriga Sheekh Shariif

506

Apr 15(Jowhar)Siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo jeeda Muqdisho ayaa caawa kulan muhiim ah ku yeelanaya hoyga madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyagoo diiradda saaraya xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka iyo marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro. Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayso hubanti la’aanta la xiriirta doorashooyinka, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkii Baarlamaanka Federaalka.

Xubnaha mucaaradka ayaa la filayaa inay sidoo kale ka doodaan qodobadii kasoo baxay shirkii Nairobi iyo tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan, iyadoo madaxtooyada ay u harsan tahay 30 maalmood oo kaliya, isla markaana aan weli laga gaarin heshiis rasmi ah oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

Xubnahaan ayaa sheegay in ay qaadanayaan masuuliyad dheeri ah marka loo eego xubnaha kale ee golaha Mustaqbalka maadaama ay saami wadaagaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.