May 06(Jowhar) Mucaaridka Soomaaliyeed ayaa maanta ku dhawaaqay banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo hoggaaminta waqtigiisu gabaabsiga yahay ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Go’aankan ayaa lagu gaaray kulan ka dhacay hoyga Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, halkaas oo ay isugu yimaadeen xubno ka tirsan mucaaridka iyo siyaasiyiin kale.
Kulankaas ayaa lagu asteeyay in 10-ka bishan uu ka dhaco magaalada Muqdisho banaanbax qaran oo lagu muujinayo aragtida mucaaridka ee ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay banaanbaxa, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay si nabad ah uga qeyb qaataan isu soo baxa la qorsheeyay.










