Apr 21(Jowhar)Siyaasiyiin miisaan culus leh ayaa kusoo biiray shirka mucaaradka ee ka socda guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee Muqdisho ay sii xoogeysanayaan.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Mustaf Dhuxulow, oo dhowaan laga qaaday xilkii Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur oo kmaid ahaa nusharrixiinta xilka madaxweynaha Hirshabelle ay saaka aroortii hore soo gaareen hoyga Sheekh Shariif. Labadan siyaasi ayaa kulan albaabada u xiran la yeeshay Sheekh Shariif, waxaana kulankaasi ku wehlinayay Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in Sanbaloolshe uu door muuqda ku lahaa isku keenista siyaasiyiintan, isla markaana ay u muuqato in lagu qanciyay inay kusoo biiraan ololaha mideysan ee mucaaradka, gaar ahaan siyaasiyiinta beelaha Muqdisho.
Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in ay suuragal tahay in siyaasiyiintan ay si rasmi ah uga qeyb galaan maalinta xiritaanka madasha, taas oo loo qorsheeyay maalinta Jimcaha.
Faahfaahin dheeraad ah kala soco wararkeena damb










