Tuesday, April 14, 2026
Home NEWS Muxuu salka ku hayaa safarka madaxweyne Xasan ku tagayo dalka Turkiga?

Muxuu salka ku hayaa safarka madaxweyne Xasan ku tagayo dalka Turkiga?

222

Apr 14(Jowhar) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u safaraya dalka Turkiga si uu uga qeyb galo madasha Antalya Diplomacy Forum 2026 oo ka dhacaya magaalada Antalya inta u dhexeysa 17–19 April, kaas oo diiradda saaraya mustaqbalka diblomaasiyadda iyo xasilloonida caalamka.

Shirkan oo ah kii shanaad tan iyo markii la aas-aasay 2021, ayaa la filayaa inay kasoo qeyb galaan in ka badan 150 dal, oo ay ku jiraan in ka badan 20 madaxweyne, 15 hoggaamiye ku-xigeenno ah, iyo in ka badan 50 wasiirro arrimo dibadeed, iyadoo guud ahaan ay ka qeyb geli doonaan ku dhowaad 460 masuul oo heer sare ah iyo ilaa 5,000 marti.

Madaxweynaha inta la ogyahay waxaa safarkiisa ku wehli doona Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka bada Cabdulqadir Maxamed Nuur Jaamac iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibada Cali Balcad.