May 15(Jowhar) Waxaa soo dhammaaday kulankii 3aad ee Xalane uga socday Madaxweyne Xasan sheekh iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay metalayeen Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Kulankan oo ahaa kii ugu waqtiga yaraa ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan. Markale waxay dhinacyada siyaasadda Soomaalidu ku guuldaraysteen inay gaaraan heshiis, xilli muddo xileedkii la doortay Madaxweynaha uu maanta dhammaanayo. Kulankan ayaa ugu duwanaa fadhiyadii hore inaan wax ballan ah la qaban, lamana oga in markale la isku soo noqon doono.
Beesha Caalamka oo sugaysay heshiis iyo is-afgarad ay gaaraan dhinacyada shirsan ayaa laga filayaa inay soo saaraan warmurtiyeed iyo tallaabooyinka ay qaadayaan dhankooda.










