May 12(Jowhar)Imaanshaha Madaxweynaha Puntland ee magaalada Muqdisho ayaa loo arkaa inay furi karto albaabka wadahadallada masiiriga ah ee doorashooyinka dalka iyo sidii xal looga gaari lahaa xilliga kala-guurka ah.
1. Doorka Beesha Caalamka
Dhexdhexaadiyaasha beesha caalamka, gaar ahaan safaaradaha Turkiga, UK, iyo USA, ayaa isku xilqaamay inay u kala dabqaadaan dhinacyada Soomaalida. Hadafka ugu weyn ayaa ah in la gaaro heshiis rasmi ah oo dalka ka saara ismarin-waaga siyaasadeed ee muddada dheer jiitamayay.
2. Mawqifka Dowladda Federaalka
Dowladda Federaalka ayaa muujinaysa cagajiid ku aaddan in dib looga wadahadlo nuuca doorashada. Ilo ku dhow Madaxtooyada ayaa inoo xaqiijiyay:
In Villa Somaliya ay diyaar u tahay inay wadahadal kagasho sidii looga heshiis lahaa muddo xileedka dhammaanaya.
Hase yeeshee, waxay ku adkaysanaysaa in doorashadu noqoto Qof iyo Cod, iyadoo la raacayo isbeddelladii dhowaan lagu sameeyay Dastuurka. Saraakiil ka tirsan madaxtooyada oo aan waxka waydiinay shirka Xalane, ayaa ku adkaystay inaanu jiri karin shir ka baxsan kii uu Madaxweynuhu horay ugu baaqay.
3. Aragtida Mucaaradka
Dhinaca Mucaaridku, waxay aaminsan yihiin in dalku ku laabtay xaaladdii hubanti-la’aaneed ee 2021. Waxay ku doodayaan inaan dowladda looga haybaysan karin go’aan ka gaarista habka doorashada iyo heshiisyada masiiriga ah.
Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa Somali Stream u sheegay in ajandaha ugu weyn uu yahay sidii looga heshiis lahaa hannaanka doorashada iyo maaraynta xilliga kala-guurka.
4. Caqabadaha iyo Goobta Shirka
Inkasta oo labada dhinac ay kala fogaanyihiin, haddana waxaa hubaal ah inay dhacayaan kulamo fool-ka-fool ah. Waxaa jira xog dhow oo sheegaysa, In Dowladda Federaalka ay raadinayso qaab uusan Madaxweyne Xasan Sheekh si toos ah uga qaybgelin shirarka haddii ay ka dhacayaan gudaha xarunta Xalane.
Waxaa miiska saaran culaysyo ay ka mid yihiin, doorashooyinka dowlad-goboleedyada, amniga qaranka,iyo miisaaniyadda dowladda oo laga cabsi qabo inay gaabis noqoto haddii aan heshiis la gaarin. Dhammaan qodobadan waxay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo loo gudbin karo saaxiibbada caalamka si loo sii ambaqaado taageerada ay siiyaan dowladnimada Soomaaliya.










