Wednesday, April 29, 2026
Home NEWS Aqalka Cad Oo Iska Indha Tiraya Khilaafkii Hore Si uu U Helo...

Aqalka Cad Oo Iska Indha Tiraya Khilaafkii Hore Si uu U Helo Mythos

101

Apr 29(Jowhar) Trump ayaa u muuqda mid dib uga noqonaya go’aankii uu horey ugu mamnuucay isticmaalka shirkadda Anthropic oo ah mid ka shaqeysa Horumarinta Garaadka Macmalka ah, iyadoo lagu eedeynayo in US u adeegsaday duulaankii Tehran ay ku qaaday 28kii Feb sannadkan.

Inkasta oo Aqalka Cad uu horey Anthropic ugu tilmaamay “halis amni” oo uu ka mamnuucay hay’adaha dowladda, hadda waxay wadaan qorshe ay dib ugu soo celinayaan si ay u adeegsadaan nooca cusub ee awoodda badan ee loo yaqaanno “Mythos”.

Mareykanka ayaa si weyn u xiiseynaya awoodda Mythos, gaar ahaan dhinaca amniga internetka, taas oo ku qasbaysa Trump inuu raadiyo wado uu ku xalliyo khilaafka si aysan dowladda u seegin teknoolojiyaddan.

Walaw la rabo in xal la helo, haddana Pentagon-ka iyo Anthropic ayaa weli ku jira khilaaf sharci ah, waxay isku hayaan isticmaalka AI-ga iyo qaar ka mid ah shuruudaha heshiiska (sida diidmada Anthropic ee in AI-ga loo adeegsado ilaalinta dadweynaha ama horumarinta hubka iskiis u shaqeeya).

Ma cadda in qorshahan uu si buuxda u xallin doono dhibka haysta Pentagon-ka, laakiin waxaa muuqata in Aqalka Cad uu doonayo inuu helo wado uu ku soo celiyo wada-shaqeynta.