Sunday, April 26, 2026
Home NEWS Cabsi ka dhalatay amaanka madaxweynaha dalka Mareykanka Trump

Cabsi ka dhalatay amaanka madaxweynaha dalka Mareykanka Trump

54

Apr 26(Jowhar) Walaac amni & su’aalo waaweyn ayaa ka taagan ka dib markii eedeysane Cole Tomas Allen oo ka yimi California uu rasaas huwiyey hotelka Washington Hilton oo casho loogu sameeyey weriyaasha Aqalka-cad.

Trump oo munaasibadda ku sugnaa oo wax yar ka hor hadlayey wuxuu sheegay in munaasabadda dib loo qaban doono, isagoo intaas ku daray in dhacdadani ay ahayd “Mid naxdin leh” oo si gaar ah ugu adkayd Marwada Koowaad, Melania Trump.

Sida ay werisey CNN, Ma jiraan dhacdooyin la mid ah oo hore uga dhacay cashooyinkan Aqalka-cad, laakiin tani waxa ay keeneysaa in si gaar ah loo eego amniga munaasabaddan mustaqbalka.