Sunday, April 19, 2026
Home NEWS Khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay hoggaanka sare ee Iran iyo...

Khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay hoggaanka sare ee Iran iyo cabsi dagaal…..

93

Apr 19(Jowhar) Sida ay daabacday Jariirada Wall Street Journal, is haysi ku aadan nooca nabad lala galayo Mareykanka ayaa ka dhex socota gudaha dalka Iran, kala Qaybsanaanta ayaana sareysa, waxaa soo baxay khilaaf xooggan oo u dhexeeya madaxda siyaasadeed ee Iran (kuwa doonaya wada-hadal) iyo Ciidanka Ilaalada Kacaanka (IRGC) oo iyagu go’aansaday inay sii wadaan xayiraadda Hormuz ilaa katalaabo qaadida Mareykanka, sida ay warbixintu sheegayso.

Ciidanka Ilaalada Kacaan waxay si bareer ah u diideen go’aankii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee ahaa in marinka la furo, iyagoo rasaas ku furay maraakiibta si ay u cabsi-geliyaan Safarleyda, waxayna siiyeen Digniin ah toos ah taas oo aan aheyn markii 2aad xili ay horey xubnaha shicibka ah Pakistan ugu soo galeen wada hadal nabdeed.

Saamaynta Diblomaasiyadda, Khilaafkan ayaa murjinaya dadaalkii Pakistan, maadaama aysan caddayn cidda dhabta ah ee talada haysa ee fulin karta heshiis kasta oo la gaaro, iyadoo ay horey doodan miisaska u keenen kooxda Trump oo sheegaya in taladu aysan ka go’in kooxaha diblumaasiyada Iran miisaska u fadhiya.