Thursday, May 14, 2026
Home NEWS Madaxweynaha Kenya Ruto Oo Ka Digay Xaaladda Murugsan Ee Soomaaliya iyo muranka...

Madaxweynaha Kenya Ruto Oo Ka Digay Xaaladda Murugsan Ee Soomaaliya iyo muranka doorashada

67

May 14(Jowhar)Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo sheegay in khilaafaadka gudaha ay sii adkeeyeen mustaqbalka dalka.

Wareysi uu siiyay warbaahinta France24, ayuu Ruto ku sheegay in Soomaaliya ay wajahday xaalad cakiran, isagoo xusay in baarlamaanka waqtigiisii dhamaaday, halka sidoo kale muddo xileedka madaxweynaha uu gabaabsi yahay.

Madaxweynaha Kenya ayaa tilmaamay in khilaaf xooggan ee u dhexeeyo Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada ay sii murjisay dadaalladii lagu doonayay xal siyaasadeed.

“Wax walba way adag yihiin, mana jirto cid si dhab ah u og dhammaadka xaaladdan,” ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Ruto ayaa sidoo kale sheegay in dalalka gobolka oo ay ka mid yihiin Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ay sameeyeen dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayay in xal looga gaaro khilaafaadka Soomaaliya, balse aysan weli guul kasoo hoynin.

Dhanka kale, wuxuu xusay in Kenya ay martigelisay ciidamo Soomaali ah oo kasoo tallaabay xadka, kadib dagaallo ay la galeen ciidamada maamulka Jubbaland.