May 14(Jowhar) XALANE: Madaxweyne Xasan Shiikh oo uu weheliyo Raysal wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Jaamac iyo Madaxweynaha Puntland, Deni & Madaxweyne hore Shariif ayaa mar kale goordhaweyd u fadhiistay wada-hadallada doorashada dalka, iyada oo Golaha Mustaqbalka ay dooddooda ku ku uuriyeen; in DFS aqbasho in uu idlaadey muddo-xileedkeeda kana tanaasusho doorashada qof & cod oo keliya laga wada-hadlo doorashooyin Dadban oo dad badan.
Madaxda DFS ayaa se ku adkaysanaysa in muddo-xileedkeeda uu ka hadhsan yahay sannad, iyada oo cuskanaysa Dastuurka cusub & sida oo kale in ay ku guda jirto doorashooyin toos ah oo ka dhacaya dalka oo idil.
Mareykanka & Ingiriiska oo soo dhiraan-dhiriyey kulanka oo albaabadu u xidhan yihiin ayaa se dhinacyada ku dirqinaya ay gaadhaan isu-soodhowaansho & meel hore looga socon karo.










