Thursday, May 14, 2026
Home NEWS Mareykanka iyo Ingiriiska oo dhinacyada Soomaalida ugu hanjabay iney dalka ka guurayaan...

Mareykanka iyo Ingiriiska oo dhinacyada Soomaalida ugu hanjabay iney dalka ka guurayaan hadaan galabta heshiis la gaarin

175

May 14(Jowhar) Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo wargal ah oo ku dhow dhow kulankii Xalane maanta ka dhacay, ka dib markii ay is mari waayeen dhinacyada Madaxweyne Xassan Sheikh & Golaha Mustaqbalka, layskuna qabtay qodobka mudo xileedka la xariira & hanaanka kala guurka, wakiilada caalamiga ah ayaa si lama filaan ah usoo dhexgalay, iyagoo dhexda dhigay war culus oo saameyn weyn kulanka kuyeeshay, kaas oo ahaa.

In haddii la gaaro 15ka May oo berrito ah, lana gaari waayo heshiis maareynta marxalad kala guurka ah & hanaan laysku raacsan yahay oo kama dambeys ah ay dalalkooda u sheegi doonaan in ay Soomaaliya gashay marxalad cusub, taas oo cabsi badan leh, waxayna ka dhigan tahay in dalalkan sheegayaan in ay katagayaan Soomaaliya.

Wakiilada caalamiga ah ayaa si cad u sheegay in waajibaad ka saaran yahay hanaanka maalgalinta dowlad dhiska Soomaaliya, ayna waqti badan galiyeen kuna qasban yihiin in ay caasumadahooda u sheegaan marxalada cusub, taas oo ay sheegeen in kahor ay madaxda Soomaalidu waqti haystaan.

Marxaladan ayaa ka dhigan in dowladda mudo xileedkeedii dhamaaday, heshiisna lagu noqdo nooca dalka loo hagayo & ka heshiinta hanaanka doorashooyinka oo aysan cidna gaar u laheyn dookh siyaasadeed.

Sida ay xoguhu cadeynayaan golaha Mustaqbalka ayaa aqbalay in ay diyaar u yihiin maareynta marxaladda kala guurka ah, berrito wixii ka dambeeyana uu dalku galay marxalad doorasho oo kala guur ah ayna tahay in laga heshiiyo, oo ay dhankooda diyaar u yihiin.

Dhinaca, madaxweyne Xassan Sheikh ayaa dalbaday in galabta markale laysku soo laabto, iyadoo wakiilada caalamiga ah ay kulanka joogi doonaan markale.

Golaha Mustaqbalka ayaa hadda shir leh, kaas oo ay uga tashanayaan ajendaha cusub & sida marxaladda kala guurka u wajahayaan.