Apr 26(Jowhar) Magaalada Baydhabo waxaa maanta laga saaray ciidamo katirsan Badbaadada Koofur Galbeed oo qayb ka ahaa howlgallkii Laftagareen Magaaladaas looga saaray 30kii Maarso 2026
Ciidankaan ayaa dib loogu celiyay Degmada Buurhakaba oo markii hore ay ka raaceen Ciidanka Federaalka iyo mas’uuliyiintii la socotay.
Wararka ayaa tilmaamaya in ciidankan oo kasoo jeeda beesha Eelaay ay deegaankooda dib ugu laabanayaan iyagoo qaba tabashooyin ay u badan tahay inaan maamulka cusub iyo dowladda dhexeba laga siinin saami ay filayeen hadii nidaamkii Lafta-gareen ay meesha ka saaraan.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xili Gudoomiye Aadan Madoobe uu dib maanta ugu laabanayo magaalada Baydhabo.










