Apr 23(Jowhar)Waxaa maanta guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ka socda shir u dhaxeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka, arrimaha doorashooyinka, muranka ka taagan wax ka beddelka dastuurka, iyo sidoo kale xaaladda amniga.
Siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo jeeda beelaha Hawiye ayaa kulamadan wadatashiga ah ku jira maalinkii afaraad oo xiriir ah, iyagoo la kulmayay dhinacyo kala duwan si ay uga tashadaan jihada siyaasadeed ee dalka.
Dowladda Turkiga ayaa door muuqda ku leh arrimaha Soomaaliya, waxaana la aaminsan yahay in Ankara ay u janjeerto dhinaca dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, arrintaas oo sii kordhin karta xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka.










